4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 25, 2018
Mid ka mid ah beelaha Somaliland oo shir dhaqameed uga furmay Buurta Gacan libaax


Isniin, June, 25, 2018 (HOL) - Beel ka mid ah beelaha waaweyn ee reer Somaliland ayaa shir uga furmay Buurta gacan libaaax ee gobolka Saaxil, kaasi oo ay kaga arrinsanayaan arrimo khuseeya beeshooda.

Shirkan ay qabsanayaan beesha Garxajis (Beesha Ismaciil Isaxaaq) ayaa loogu magac daray Tol-wanaaje laba, waxaana ka soo qaybgallay shan boqol iyo konton ergay oo ka kala yimid goboladda iyo dalalka dibadda, kuwaas oo iskugu jirey Madax-dhaqameed, Aqoonyahan, Dhalinyaro, Qurba Joog, Siyaasiyiin, Qaar kamida Xildhibaanada Golaayasha Guurtida iyo Wakiiladda iyo golaha Deegaanka.

Shirkan waxa furey Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxaanu hadalo dardaaran iyo ducaba usoo jeediyey beesha shiraysa, sidoo kale, waxa ka hadlay Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar, Suldaan Cismaan Cadde-Gude iyoXubno kale oo kamida Madax-Dhaqameedkii iyo Ergooyinkii kasoo qayb galay Shirka, waxaan ay dhamaantood ku dheeraadeen in shirku sidii loogu tallogalay u socon doonno.

Shirkan ayaa socon doona shan cisho, waxaana laga soo saari doono qodobo khuseeya aayaha beeshoodda iyo sidii midnimada beesha loo ilaalin lahaa.

Shirkan ayaa noqonaya kii labaad ee beeshu qabsado, waxaanu ka mid yahay shir dhaqameedka inta badan beelaha Somaliland qabsato.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.