4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 24, 2018
Wasiirka maaliyadda Puntland oo magacaabay guddi baara eedeymo loo soo jeediyay

 

Axad, June, 24, 2018 (HOL) - Wasiirka maaliyadda Puntland, Cabdullaahi Saciid Carshe oo wariyayaasha kula hadlay Garoowe ayaa iska fogeeyay eedeymo uu usoo jeediyay xisaabiyaha wasaaradda ee gobolka Mudug oo maanta shir jaraa’id ku shaaciyay xilka in uu iska casilay.

Wasiir Carshe, wuxuu sheegay in xisaabiyaha gobalka Mudug shaqo joojin lagu sameeyay is casilaadiisa ka hor, waxaana uu xusay inuu magacaabay guddi baara eedaymo laga soo gudbiyay.

“ Ma aha wax sax ah eedeymaha iyo xisaabta uu baahiyay xisaabiyaha ... waxaana shaacinaya inan magacaabay guddi baara eedeymaha, mana jirto wax lacag ah oo aan waydiistay si shaqsi xisaabiyaha oo xilka laga qaaday ka hor is casilada uu sheegay.” ayuu yiri Wasiirka maaliyadda Puntland.

Gabagabadii, wasiirka ayaa sheegay xisaabiyaha gobolka Mudug inuu ku socdo baaritaan ku aaddan lacago mushaar ciidan ah oo ku maqan, xubno ka socda wasaaradana ayna ku suganyihiin magaalada Gaalkacyo, sida u xaqiijiyay Wasiirka maaliyadda.

Iman Jama