Axad, June, 24, 2018 (HOL) -Waxaa la soo xiray
goobihii codbixinta doorashada madaxtinimo iyo tan baarlamaaniga dalka Turkiga
ayaa soo xirantay 5-tii galabnimo ee maanta oo Axada, waxaana codkooda dhiibtay
56 milyan oo Turkish ah.
Tirinta codadka ayaa ayaa bilaabatay 180,065 goobood oo codadka laga dhiibtay maanta, waxaa sidoo kale cododkooda la tirinayaa dadka
Turkida ee codkooda ka dhiibtay 7-dii bishan June, 60 dal oo uu Turkiga 123
safarado iyo Qunsuliyad uu ku leeyahay.
Cod-bixinta doorashada Madaxtinimo iyo tan
Baarlamaaniga dalka Turkiga ayaa soo xirantay 5-tii galabnimo ee maanta oo
Axada, waxaana codkooda dhiibtay 56 Milyan oo Turki ah, waxaana sidaas
xaqiijiyey gudiga doorashada waddankaas oo ku kala sugan 81 Gobal.
Guddiga doorashada waxaa ay sheegeen in tirinta
codadka ka bilaabatay 180,065 goobood oo codadka laga dhiibtay maanta.
Waxaa sidoo kale cododkooda la tirinayaa dadka
Turkida ee codkooda ka dhiibtay 7-dii bishan June, 60 dal oo uu Turkiga 123
safarado iyo Qunsuliyad uu ku leeyahay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]