4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 24, 2018
Natiijada doorashada madaxtinimada Turkiga oo siweyn isha loogu wada hayo

 

Axad, June, 24, 2018 (HOL) -Waxaa la soo xiray goobihii codbixinta doorashada madaxtinimo iyo tan baarlamaaniga dalka Turkiga ayaa soo xirantay 5-tii galabnimo ee maanta oo Axada, waxaana codkooda dhiibtay 56 milyan oo Turkish ah.

Tirinta codadka ayaa ayaa bilaabatay 180,065 goobood oo codadka laga dhiibtay maanta, waxaa sidoo kale cododkooda la tirinayaa dadka Turkida ee codkooda ka dhiibtay 7-dii bishan June, 60 dal oo uu Turkiga 123 safarado iyo Qunsuliyad uu ku leeyahay.

Cod-bixinta doorashada Madaxtinimo iyo tan Baarlamaaniga dalka Turkiga ayaa soo xirantay 5-tii galabnimo ee maanta oo Axada, waxaana codkooda dhiibtay 56 Milyan oo Turki ah, waxaana sidaas xaqiijiyey gudiga doorashada waddankaas oo ku kala sugan 81 Gobal.

Guddiga doorashada waxaa ay sheegeen in tirinta codadka ka bilaabatay 180,065 goobood oo codadka laga dhiibtay maanta.

Waxaa sidoo kale cododkooda la tirinayaa dadka Turkida ee codkooda ka dhiibtay 7-dii bishan June, 60 dal oo uu Turkiga 123 safarado iyo Qunsuliyad uu ku leeyahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]