Axad, June, 24, 2018 (HOL) - Cabdullaahi Xasan
Axm’d Maalin (Warranto) ayaa loo soo qabtay in ka tirsanaa Al-shabaab, sidoo kale waxaa loo heystay in uu ka dambeey dilka
Marxuum Cabdulla Maalin Maxam’d oo ka tirsanaa ciidamada Ilaalada
Xamar (Minishiibiyo) Taariikhdu markey aheyd 22/02/2018, dilkaasi oo ka dhacay
degmada Yaaqshiid.
Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) ayaa
Ciidamada Amniga soo qabtay 18/04/2018, waxaana ciidamada amniga u soo
gudbiyeen Xafiiska Xeer ilaalinta 21/05 ee isla sanadkan.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla maalintaas
codsaday in xabsiga loo gudbiyo si Maxkamadda loo hor geeyo.
baaritaan dheer kedib ayaa Xafiiska Xeer Ialaalinta
ciidamada Qalabka Sida 04/06/2018 waxaa ay sameeyeen eed ka dhan ah
Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto), waxa ayna ku aadeeyeen ka mid
ahaanshiyaha kooxda Al-shabaab iyo Shir-qoolka dilka Marxuumka kor ku xusan.
Eedda ay soo gudbiyeen xafiiska xeer Ilaalinta
ciidamada Qalabka sida ayaa loo cuskaday Baarista ay sameeyeen ciidamada Amniga
iyo shaqsi Markaati ah, waxaa ayna eedooda ku codsadeen in la
muddeyo waqti qaadista Maxkamadda.
12 Bishan aynu ku jirno ayaa loo
fariistay markii ugu horreysay eedda ka dhanka ah Cabdullaahi Xasan Axm’d
Maalin (Warranto), waxaana garsoorayaasha maxkamadda ciidamada ay dhageysteen
doodda dhinacyada Xeer Ilaalinta iyo Qareenka difaacayay eedeysanaha.
Dood dheer kedib ayaa garsoorayaasha Maxkamadda
Go’aan ku gaareyn in dib la isugu noqdo 19-kii isla Bishan, waxaana markale la
sii amba qaaday dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysanaha kor ku xusan.
Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in
uu bari ka yahay dhammaan soo jeedinta xeer ilaalinta, waxa uuna u sheegay
garsoorayaasha iyo dhinacyada kale ee ka qeyb galayay doodda in uu yahay
Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) Shaqsi laga been
abuuranayo.
Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa go’aan ku gaaray
iyagoo eegaya jawaabaha uu Garsoorayaasha ka hor bixiyay eedeysanaha, iyagoo
dhuuxaya nuxurka doodda dhinacyada ka dhaxeeyso, iyagoo aan ku qancin cadeymaha
Maxkamadda la hor keenay oo uu ka mid yahay Markaati ehel la’ ah
Marxuumka, in Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) uu
yahay xur, maxkamaddana ay fareyso in la sii daayo hadii aysan jirin
dambiyo kale oo loo heysto, sida uu u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur (Shuute)
Guddoomiyaha Maxkamadda D 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida, dhamman
dhinacyada ka qeyb galayay doodda dacwadda oo ay ka mid aheyd warbaahinta
Garsoor.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ah halka
kaliye ee caddeyn karta go’aan ka gaarista jiritaanka eedaha ay soo gudbiyeen
Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo in kale, waaana Maxkamadda
leh awoodda aan ka gambashada laheyn ee fulineyd hadii ay u cadaato eedaha ka
dhanka ah ciidamada iyo Maleeshiyaadka u abaabulan sidii Qaab ciidan oo kale
sida Al-shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]