4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 24, 2018
Maxkamada ciidamada oo sii deysay shaqsi loo heystay dil iyo Al-shabaab-nimo

 

Axad, June, 24, 2018 (HOL) - Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) ayaa loo soo qabtay in ka tirsanaa Al-shabaab,  sidoo kale waxaa loo heystay in uu ka dambeey dilka Marxuum Cabdulla Maalin Maxam’d  oo ka tirsanaa ciidamada Ilaalada Xamar (Minishiibiyo) Taariikhdu markey aheyd 22/02/2018, dilkaasi oo ka dhacay degmada Yaaqshiid.

Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) ayaa Ciidamada Amniga soo qabtay 18/04/2018, waxaana ciidamada amniga u soo gudbiyeen  Xafiiska Xeer ilaalinta  21/05 ee isla sanadkan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla maalintaas codsaday in xabsiga loo gudbiyo si Maxkamadda loo hor geeyo.

baaritaan dheer kedib ayaa Xafiiska Xeer Ialaalinta ciidamada Qalabka Sida  04/06/2018 waxaa ay sameeyeen eed ka dhan ah Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto), waxa ayna ku aadeeyeen ka mid ahaanshiyaha kooxda Al-shabaab iyo Shir-qoolka dilka Marxuumka kor ku xusan.

Eedda ay soo gudbiyeen xafiiska xeer Ilaalinta ciidamada Qalabka sida ayaa loo cuskaday Baarista ay sameeyeen ciidamada Amniga iyo shaqsi Markaati ah, waxaa ayna eedooda ku codsadeen in la muddeyo  waqti  qaadista Maxkamadda.

12 Bishan aynu ku jirno ayaa loo fariistay markii ugu horreysay eedda ka dhanka ah Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto), waxaana garsoorayaasha maxkamadda ciidamada ay dhageysteen doodda dhinacyada Xeer Ilaalinta iyo Qareenka difaacayay eedeysanaha.

Dood dheer kedib ayaa garsoorayaasha Maxkamadda Go’aan ku gaareyn in dib la isugu noqdo 19-kii isla Bishan, waxaana markale la sii amba qaaday dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysanaha kor ku xusan.

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in uu bari ka yahay dhammaan soo jeedinta xeer ilaalinta, waxa uuna u sheegay garsoorayaasha iyo dhinacyada kale ee ka qeyb galayay doodda in uu yahay Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) Shaqsi laga been abuuranayo.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa go’aan ku gaaray iyagoo eegaya jawaabaha uu Garsoorayaasha ka hor bixiyay eedeysanaha, iyagoo dhuuxaya nuxurka doodda dhinacyada ka dhaxeeyso, iyagoo aan ku qancin cadeymaha Maxkamadda la hor keenay oo uu ka mid yahay Markaati ehel la’ ah Marxuumka,   in Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) uu yahay xur, maxkamaddana ay fareyso in la sii daayo  hadii aysan jirin dambiyo kale oo loo heysto, sida uu u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur (Shuute) Guddoomiyaha Maxkamadda D 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida,  dhamman dhinacyada ka qeyb galayay doodda dacwadda oo ay ka mid aheyd warbaahinta Garsoor.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ah halka kaliye ee caddeyn karta go’aan ka gaarista jiritaanka eedaha ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo in kale, waaana Maxkamadda leh awoodda aan ka gambashada laheyn ee fulineyd hadii ay u cadaato eedaha ka dhanka ah ciidamada iyo Maleeshiyaadka u abaabulan sidii Qaab ciidan oo kale sida Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]