4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 24, 2018
Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay wufuud ka socotay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika
Axad, June, 24, 2018 (HOL)-Wafdigan oo ay horkaceeysay Lisa Flipetto oo ah madaxa xafiiska Qaramada ee Taageeridda Soomaaliya (UNSOS) islamarkaana uu qeyb ka ahaa wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira ayaa waxa ay soo gaareen magaalada Kismaayo ayagoo kulan la qaatay madaxweynaha Jubbaland iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada.

Kulanka madaxdan oo ay dibad-joog ka ahayd saxaafadda ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta uga warbixiyay wasiiru-dowlaha madaxtooyada Jubbaland Mudane Axmed C/raxmaan Xasan ayaa warbaahinta uga warbixiyay waxyaalihii shirka looga hadlay.

Waxa uu xusay in kulanka diiradda lagu saarayay arimo ku saabsan xaaladaha dhinacyada ammaanka iyo horumarka, isagoo sheegay in laga hadlay sidii ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida isaga kaashan lahaayeen howlgallada Shabaab looga xoreeynayo gobollada Jubooyinka.

Wasiiru-dowlaha ayaa intaa ku daray in sidoo kale shirka looga hadlayay sidii ay AMISOM uga qeybqaadan lahayd howlgallada ka bilowday Jubooyinka, sidoo kalena kulanka intii uu socda looga hadlay doorka dhinaca taakulada ah ee ay AMISOM ka geysan karto howlgallada ka bilowday Jubooyinka.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ayaa mudooyinkii u danbeeyay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka waday waqooyiga gobolka J/hoose, ayadoo ay xusid mudantahay in ciidamada AMISOM aysan ka qeyb-qaadanin howlgalladaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.