4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 24, 2018
Puntland oo xiriirka u jartay wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Federaalka

Axad, June, 24, 2018 (HOL) - Wasaaradda warfaafinta , Isgaarsiinta iyo boostada Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay xiriirka u jartay wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo teknoolajiyada dowladda federaalka Soomaaliya, sida ku cad war qoraal ah oo ay baahisay wasaaradda oo lugu sheegay Puntland inaysan aqoonsaneyn guddiga isgaarsiinta ee u magacaabay wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta.

Puntland waxaa ay ku eedeysay wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Federaalka,Cabdi Canshuur Xasan inuu si ula kac ah uga tallaabsadey xeerka Isgaarsiinta iyo dastuurka dalka uuna heshiis gaar ah kula galay shirkad gaar ah iyo saaxibo khaas ah,iyadoo eedeyntan la wargeliyay bandhiga adduunka iyo saaxibada Soomaaliya.

Dowladda federaalka iyo wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ma jiro wax war oo ka soo baxay loogana jawaabay eedeynta Puntland, waxaana suuragli waayay xiir ay Hiiraan Online la sameysay wasaaradda.

Hoos ka akhri qoraalka oo ka soo baxay Puntland:-

 

Iman Jama