4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 24, 2018
Xisaabiyaha maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug oo is casilay

 

Axad, June, 24, 2018 (HOL) - Xisaabiyaha maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug, Barkhadle Aadan Muuse ayaa shir jaraa'id oo u goor dhow ku qabtay magaalada Gaalkacyo wuxuu ku shaaciyay xilka inuu iska casilay.

Barkhadle Aadan, wuxuu ku sababeeyay is-casilaadiisa caqabada iyo culeys uga yimid wasiirka maaliyadda Puntland ,Cabdullaahi Siciid Caarshe.

"Wasiirka wuxuu iga codsadey inan bil walba siiyo $10,000, annigana waxaan u sheegay lacagta inan awoodin, wixii inta ka dambeeyay wasiirka wuxuu billaabay inuu la-dagaallamo dhaqaalaha gobolka, arrinta madaxweynaha iyo isaga ayaan uga tagay waxba waa ka socon waayeen." ayuu yiri Barkhadle Aadan.

Wasiirka maaliyadda iyo wasaaradda ma jiro war ka soo baxay oo looga jawaabay eedeynta xisaabiyaha maaliyadda ee gobolka Mudug,waxaana suurigali waayay xiriir ay Hiiraan Online la sameysay wasiirka maaliyadda Puntland.

Iman Jama