4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 24, 2018
Faah faahin ku saabsan weerarkii xalay ka dhacay Laascaanood

 

Axad, June, 24, 2018 (HOL) - Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Sool ayaa sheegay weerarkii xalay ka dhacay Laascaanood dhameyn dhacdo la buunbuuniyo mar uu warbaahinta la hadlayay.

G/sare C/risaaq Maxamed Faarax waxaa uu sheegay in falkan dableyda ka danbaysey ay reer Laascaanood yihiin.

"Meel saldhigga ka durugsan ayeey xabado dhawra ka soo rideen wayna yaaceen, waxaana la helay waxyaabo ay ka carareen" ayuu yidhi taliyuhu, isagoo raaciyey inay ahaayeen dad daroogo isticmaalay.

Waxa kale oo uu sheegay in lagu daba jiro, isagoo uga digey bulshada dadka amaanka khalkhal gelinay, ujeedada ka danbaysana ay tahay in laga qixiyo baradooda.

 

Dhinaca kale Abuukar Cabdi Geele Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland ay hawlgal ka fuliyeen saldhigyo magaalada Laascaanood ku yaala, waxaanu xusay in ay maxaabiis ka sii daayeen sida uu sheegay.

Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood