3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 24, 2018
Faah faahin ku saabsan weerarkii xalay ka dhacay Laascaanood

 

Axad, June, 24, 2018 (HOL) - Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Sool ayaa sheegay weerarkii xalay ka dhacay Laascaanood dhameyn dhacdo la buunbuuniyo mar uu warbaahinta la hadlayay.

G/sare C/risaaq Maxamed Faarax waxaa uu sheegay in falkan dableyda ka danbaysey ay reer Laascaanood yihiin.

"Meel saldhigga ka durugsan ayeey xabado dhawra ka soo rideen wayna yaaceen, waxaana la helay waxyaabo ay ka carareen" ayuu yidhi taliyuhu, isagoo raaciyey inay ahaayeen dad daroogo isticmaalay.

Waxa kale oo uu sheegay in lagu daba jiro, isagoo uga digey bulshada dadka amaanka khalkhal gelinay, ujeedada ka danbaysana ay tahay in laga qixiyo baradooda.

 

Dhinaca kale Abuukar Cabdi Geele Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland ay hawlgal ka fuliyeen saldhigyo magaalada Laascaanood ku yaala, waxaanu xusay in ay maxaabiis ka sii daayeen sida uu sheegay.

Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood












Click here
6/24/2018 4:07 PM EST
Axad, June, 24, 2018 (HOL) - Wasiirka maaliyadda Puntland, Cabdullaahi Saciid Carshe oo wariyayaasha kula hadlay Garoowe ayaa iska fogeeyay eedeymo uu usoo jeediyay xisaabiyaha wasaaradda ee gobolka Mudug oo maanta shir jaraa’id ku shaaciyay xilka in uu iska casilay.

6/24/2018 2:55 PM EST
Axad, June, 24, 2018 (HOL) -Waxaa la soo xiray goobihii codbixinta doorashada madaxtinimo iyo tan baarlamaaniga dalka Turkiga ayaa soo xirantay 5-tii galabnimo ee maanta oo Axada, waxaana codkooda dhiibtay 56 Milyan oo Turkish ah.

6/24/2018 10:58 AM EST
Axad, June, 24, 2018 (HOL)-Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) ayaa loo soo qabtay in ka tirsanaa Al-shabaab, sidoo kale waxaa loo heystay in uu ka dambeey dilka Marxuum Cabdulla Maalin Maxam’d oo ka tirsanaa ciidamada Ilaalada Xamar (Minishiibiyo) Taariikhdu markey aheyd 22/02/2018, dilkaasi oo ka dhacay degmada Yaaqshiid.

6/24/2018 10:28 AM EST
Axad, June, 24, 2018 (HOL)-Wafdigan oo ay horkaceeysay Lisa Flipetto oo ah madaxa xafiiska Qaramada ee Taageeridda Soomaaliya (UNSOS) islamarkaana uu qeyb ka ahaa ...

6/24/2018 9:40 AM EST
Axad, June, 24, 2018 (HOL) - Wasaaradda warfaafinta , Isgaarsiinta iyo boostada Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay xiriirka u jartay wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo teknoolajiyada dowladda federaalka Soomaaliya, sida ku cad war qoraal ah oo ay baahisay wasaaradda oo lugu sheegay Puntland inaysan aqoonsaneyn guddiga isgaarsiinta ee u magacaabay wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta.

6/24/2018 9:36 AM EST
Axad, June, 24, 2018 (HOL)-Xisaabiyaha maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug, Barkhadle Aadan Muuse ayaa shir jaraa'id oo u goor dhow ku qabtay magaalada Gaalkacyo wuxuu ku shaaciyay xilka inuu iska casilay.

6/24/2018 8:10 AM EST
Axad, June, 24, 2018 (HOL)-Kadib cafis uu madaxweynaha Jubbaland u fidiyay ilaa 46 Maxbuus oo ku xiran xabsiyada magaalada Kismaayo, bishii Ramadaan ee dhamaatay iyo farxaddii Ciidd awgeed ..

6/24/2018 6:23 AM EST
Axad, June, 24, 2018 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Daahir Cismaaan ayaa maanta si rasmi ah u daah furay Imtixaanka Dugsiyada sare ee dowladda.

6/24/2018 4:48 AM EST
Axad, June, 24, 2018 (HOL)-Haweenka Saudi Arabia ayaa ugu danbeyntii ka gudbay xayiraad mudo dheerba saarneyd, iyaga oo wixii hadda ka danbeeya awooda in ay gadiidka kaxeysan karaan kaddib go’aankii ay gaartay bishii September ee sanadkii hore Boqortooyada Saacudiga.

6/24/2018 3:10 AM EST
Axad, June, 24, 2018 (HOL)-Ganacsatada suuqyada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ka cabanaya lacago badan oo shilin Soomaaliga oo suuqyada la soo galiyay, waxaana taasi ay dhalisay in shalay laga diiddey suuqyada shilin Soomaaliga.

6/24/2018 2:35 AM EST
Axad, June, 24, 2018 (HOL)-Koox ku guuleystay bandhiga hindisaha sameynta robot-yada caalamiga ah ee da'yarta adduunka oo lugu qabtay magaalada Montréal ee dalka Canada ayaa markii ugu horreeysay waxaa ka mid noqday da'yar Soomaali ah.

6/24/2018 1:11 AM EST
Axad June, 24, 2018 (HOL) -Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yaarisoow ayaa uga mahadceliyey Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hay’addaha Amniga iyo bulshada ku nool Caasimadda guulaha amniga ee laga gaaray sugidda amniga Muqdisho intii lagu jiray bishii barakaysnayd ee Ramadan.

6/24/2018 1:00 AM EST
Axad, June, 23, 2018 (HOL)–Dowlada Itoobiya u qabatay 12 qof oo 9 ka mid ah ay yihiin saraakiil iyo saddex qof oo Shacab ah. Saraakiisha Booliiska ayaa loo haystaa inay ka hortagi waayeen weerarkan qarax ka hor intuusan dhicin.

6/24/2018 12:17 AM EST
Axad June. 24, 2018 (HOL) - Dableydan oo aan ilaa hada la aqoonsan ayaa sadexdii habeenimo weerar qoryaha fudud la adeegsanayey ku qaaday saldhiga Barriga Laascaanood ku qaaday, halka waxyar ka dibna ay ka bilaabantay saldhiga Badhtamaha.