4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 24, 2018
Xabsiyada Kismaayo oo laga sii daayay Maxaabiis ay kamid yihiin kuwo hore uga tirsanaa Shabaab
Axad, June, 24, 2018 (HOL)-Kadib cafis uu madaxweynaha Jubbaland u fidiyay ilaa 46 Maxbuus oo ku xiran xabsiyada magaalada Kismaayo, bishii Ramadaan ee dhamaatay iyo farxaddii Ciidd awgeed ayaa waxaa maanta xabsiyada magaalada Kismaayo laga sii daayay ilaa 46 maxbuus oo ay ku jireen rag hore uga tirsanaa Al-shabaab.

Maxaabiistan oo qaarkood ay xirnaayeen mudo ka badan laba sano ayaa maanta dib xoriyadoodii u helay.

Taliyaha laanta danbi barista nabadsugidda Jubbaland G/dhexe Axmed Muuse ayaa sheegay in maxaabiistan oo isugu jira rag Shabaab ka tirsanaa iyo kuwa kale oo galay danbiyo kala duwan ay maanta sii daayeen.

Taliyaha nabadsugidda Jubbaland Khaalid Sheekh C/laahi ayaa kula dardaarmay maxaabiista in ay si wanaagsan kula noolaadaan bulshada, kana tanaasulaan falalkii lagu soo qabtay.

Maxaabiistii ka faa’iideysatay cafiska ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay dib xoriyadooda u helaan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa aalaaba marka ay dhamaato bisha Ramadaan waxa uu cafis u fidiyaa maxaabiista.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.