4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 24, 2018
BELEDWEYNE : 1,400 oo ardey ah oo maanta u fariisatay Imtixaanka dugsiyada sare ee dowladda


Axad, June, 24, 2018 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Daahir Cismaaan ayaa maanta si rasmi ah u daah furay Imtixaanka Dugsiyada sare ee dowladda.

Wasaaradda ayaa sheegtay in maanta ay u fariisanayaan illaa 1400 arday imtixaanka kama dambeysta shahaadiga Dugsiga Sare.

Fatahaadii wabiga Shabeelle uu ku sameeyay xaafado ka tirsan Beledweyne ayaa sababay in looga barakaco, isla markaana iskuuladii imtixaanka lagu geli lahaa ay biyo badan galeen.

Imtixaanka ayaa guud ahaa marka la eego dalka Soomaaliya waxaa muuqata in ay kordhayaan tirada ardeyda sanad walba ka qeyqaadaneysa iyadoo sanadkan ay u fariistiin in ka badan 20,000 oo Ardey Soomaaliyeed ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]