4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 24, 2018
Suuqyada Gaalkacyo oo laga diiddey isticmaalka lacagta shilin Soomaaliga

 

Axad, June, 24, 2018 (HOL) - Ganacsatada suuqyada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ka cabanaya lacago badan oo shilin Soomaaliga oo suuqyada la soo galiyay, waxaana taasi ay dhalisay in shalay laga diiddey suuqyada shilin Soomaaliga.

Maxamed Cismaan, oo ka mid ah ganacsatada koonfurta Gaalkacyo ayaa u sheegay Hiiraan Online in dadka ay ka walwalsanyihiin lacagta cusub ee ay soo bandhigtay dowladda federaalka, wuxuuna qof walba doonaya lacagta uu hayo ee shilin Soomaaliga inuu u badalo doollar.

"Lacagta baddan ee suuqyada la soo galiyay ayaa sababay in shilin Soomaaliga la diiddo, qof walbana wuxuu ku leeyahay lacagta cusub inta aysan soo bixin ayaan doollar u badalaya kaashka aan hayo." ayuu yiri Maxamed Cismaan.

Diidmada lacagta waxaa ay sababtay in sarifka doollarka uu kor u kaco, waxaana shalay lugu badalayay boqolka doollar afar malyan oo shilin Soomaali ah.

Ugu dambeyn, guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda Galmudug ee gobolka Mudug,Axmed Maxamed Shire ayaa u sheegay warbaahinta in tallaabo laga qaadi doono ganacsatada diidda lacagta shilin Soomaaliga, wuxuuna inta ku daray dad uu ku sheegay qas-wadayaal inay ka dambeeyaan diidmada lacagta, dadka oo u sheegay hay'adaha ammaanka inay dabagal ku hayaan.

Iman Jama