Axad, June, 24, 2018 (HOL) - Koox ku guuleystay bandhiga
hindisaha sameynta robot-yada caalamiga ah ee da'yarta adduunka oo lugu
qabtay magaalada Montréal ee dalka Canada ayaa markii ugu horreeysay waxaa ka
mid noqday da'yar Soomaali ah.
Yuusuf Maxamed Amiin Sh Caddoow
, oo ah Soomaaliga iyo qofka kaliya ee Afrikanka ah ee sannadkan tartanka ka
qeybgalay, ayaa sheegay inay hindiseen labo mashiin oo robot ah isaga iyo
kooxdiisa, taaso u sahashay inay ku guuleystan tartanka.
"Waxaan sameynay labo robot ,
waa mid ciyaaraya iyo mid kale oo muusik sameynaya... waxaan ku sameynay koox
ka kooban saddex wiil iyo gabar." ayuu yiri Yuusuf Caddow oo sheegay inuu
lahaa fikrada lugu dhisey mashiinnada, isagoo la hadlay idaacadda VOA-da.
Yuusuf, oo dhigta fasalka siddeedaad
ee iskuul ku yaalla dalka Sweden oo uu deggan yahay, ayaa sheegey in uu doonayo
in mustaqbalka uu barto culuumta tignoolajiyadda, wuxuuna ku sheegay guusha
weyn ee tartanka oo ay ka qeybgaleen da'yar dalal badan oo caalamka ah laga
keennay mid ku dhiirrigalinaya inuu ka dhabeeyo hindisaha mashiinno wax-tar ah.
Dunidda ayaa hadda siyaabo kala
duwan looga adeegsada mashiinnada robot-yada , waxaana soo saaristooda waqtiga
la jooga ay noqotey xirfad caalami ah.
Iman Jama
Nairobi, Kenya