4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 24, 2018
Soomaali ku guuleystay tartanka caalamiga ah ee sameynta robot-yada

 

Axad, June, 24, 2018 (HOL) - Koox ku guuleystay bandhiga hindisaha sameynta robot-yada caalamiga ah ee da'yarta adduunka oo lugu qabtay magaalada Montréal ee dalka Canada ayaa markii ugu horreeysay waxaa ka mid noqday da'yar Soomaali ah.

Yuusuf Maxamed Amiin Sh Caddoow , oo ah Soomaaliga iyo qofka kaliya ee Afrikanka ah ee sannadkan tartanka ka qeybgalay, ayaa sheegay inay hindiseen labo mashiin oo robot ah isaga iyo kooxdiisa, taaso u sahashay inay ku guuleystan tartanka.

"Waxaan sameynay labo robot , waa mid ciyaaraya iyo mid kale oo muusik sameynaya... waxaan ku sameynay koox ka kooban saddex wiil iyo gabar." ayuu yiri Yuusuf Caddow oo sheegay inuu lahaa fikrada lugu dhisey mashiinnada, isagoo la hadlay idaacadda VOA-da.

Yuusuf, oo dhigta fasalka siddeedaad ee iskuul ku yaalla dalka Sweden oo uu deggan yahay, ayaa sheegey in uu doonayo in mustaqbalka uu barto culuumta tignoolajiyadda, wuxuuna ku sheegay guusha weyn ee tartanka oo ay ka qeybgaleen da'yar dalal badan oo caalamka ah laga keennay mid ku dhiirrigalinaya inuu ka dhabeeyo hindisaha mashiinno wax-tar ah.

Dunidda ayaa hadda siyaabo kala duwan looga adeegsada mashiinnada robot-yada , waxaana soo saaristooda waqtiga la jooga ay noqotey xirfad caalami ah.

Iman Jama
Nairobi, Kenya