Axad, June, 24, 2018 (HOL) -Duqa Muqdisho Ahna
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yaarisoow ayaa uga
mahadceliyey Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hay’addaha
Amniga iyo bulshada ku nool Caasimadda guulaha amniga ee laga gaaray sugidda
amniga Muqdisho intii lagu jiray bishii barakaysnayd ee Ramadan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlayay
kulan muhiim ah oo xarunta dowladdaha hoose ku dhex-maray maamulka Gobolka
Banaadir, Golaha wasiirrada iyo
Hay’adaha amniga ayaa sheegay in wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya
hay’adaha dawladda iyo bulshada Soomaaliyeed uu sababay in kooxaha argagixisada
ay ku guul dareysteen falalkoodii waxashnimo ee la beegsan jireen shacabka caasimadda.
“Shirkani waa mid ay ku kala warqaataan maamulka gobolka,
Golaha Wasiirrada iyo saraakiisha amniga, ujeedkiisuna waa in la iskula
xisaabtamo howlaha qaranka loo hayo, horeyna loo wado shaqada si guul looga
gaaro amniga iyo sidoo kale in shacabka loo dhaweeyo dawladnimada, waxaan si
gaar ah u xusayaa golaha Wasiirrada horteena fadhiya mid walba waxuu ku qoran
yahay degmo kamid ah 17ka degmo ee caasimadda oo warbixinta xaaladdooda u
gudbiyaa Golaha uu ka tirsan yahay”ayuu yiri Eng Yariisoow.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa warbixinno kala duwan oo la xiriiray guulaha
laga gaaray dariseynta, isdhexgalka shacabka iyo maamulka, horumarinta
kaabayaasha caasimadda iyo habka ugu habboon ee looga hortagayo dhagarta
cadowga laga dhageystay saraakiisha ammaanka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka,
waxaana la isla qiray muhiimadda ay dalka u leedahay xasilloonida caasimadda
maadaama dal walba lagu qiimeeyo daganaanshaha caasimaddiisa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]