4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 24, 2018
Saraakiil loo xirxiray Qaraxii shalay lagu bartilmaameedsaday dibadbixii Addis Ababa

 

Axad,  June, 24, 2018 (HOL) – Dowlada Itoobiya u qabatay 12 qof oo 9 ka mid ah ay yihiin saraakiil iyo saddex qof oo Shacab ah. Saraakiisha Booliiska ayaa loo haystaa inay ka hortagi waayeen weerarkan qarax ka hor intuusan dhicin.

Saddexda qof ee shacabka ah ayaa 2 ka mid ah ay yihin haween la sheegay in laga qabtey goobtii qaraxa.

Qaraxii shalay lala beegsaday dibedbixii uu khudbada ka jeedinayay Abiy Ahmed ayaa jahwareer ku riday guud ahaan marka la eego dalka Itoobiya.

Waxaa hawada laga saarey dhowr TV oo gudaha ah waxaana dhacay howlgalo lagu xaqiijinayo guud ahaan amniga.

Dhinaca kale ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa booqdey Isbitaalada la geeyey tobonaan dad ah oo dhaawacyo kala duwan qabo oo 15 ka mid ah ay liitaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]