4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 24, 2018
Dabley hubaysan ayaa weerar ku qaaday laba saldhig booliis magaalada Laascaanood

Axad,  June. 24, 2018 (HOL) - Dableydan oo aan ilaa hada  la aqoonsan ayaa sadexdii habeenimo weerar qoryaha fudud la adeegsanayey ku qaaday saldhiga Barriga Laascaanood ku qaaday, halka  waxyar ka dibna ay ka bilaabantay saldhiga Badhtamaha.

Israsaasayntan oo soo gaadhey salaadii Subax  kadib ayaan  la ogayn khasaaraha dhabta ah ee  soo gaadhey labada dhinac, ilaa haatana kama hadal masuulihiinta ciidanku.

Dad degan guryaha ku dhow saldhiga badhtamaha ayaa HOL u sheegay in rasaas  xoogleh ay markii hore saldhiga lagu ridey mudo kadibna meel ka baxsan saldhiga rasaas  xoogan ka dhacday, waxase ay badankoodu sheegeen in xaafaduhu wada tooseen  laakiin aan banaanka loogu bixin.

Xaalada magaalada Laascaanood ayaa maalmihii u dambeeyey laga dareemayey dareen  kacsan iyadoo badanaa taa la saaro xiisada ka alloosan Tukaraq ee u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland.