Shirka Joogteynta Iskaashiga Qaarada Afrika iyo Shiinaha dhowaan ka furmaya dalka Jabuuti
Sabti, June. 23, 2018 (HOL) - Dalka Jabuuti ayaa waxaa bisha July 4-7 ee
Sanadka 2018 lagu qaban doonaa shir ballaaran oo ay wada yeelan doonaan
wadamada Afrika iyo Shiinaha, waxaana shirkaas ka qayb gali doona madax ka
tirsan dowladaha Afrika iyo Shiinaha.
Madashaan ayaa waxaa Diiradda lagu saari doonaa
sidii loo sii Xoojin lahaa ama loo joogteyn lahaa Xiriirka Iskaashi ee Wadamada
Afrika iyo Shiinaha gaar ahaan Dhinaca Dhaqaalaha maadaama Dowlada Shiinaha
waayadaan dambe ay galaangal dhinaca Maaligelinta iyo Dhaqaalaha ay ku
yeelaneyso Wadamada Afrika,
Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa ka qayb geli doona
ganacsato ka socda dalalka Afrika iyo Shiinaha waxayna Labada dhinac uga hadli
doonaa sidii dalka Shiinaha uu maalgelin ballaaran ugu sameyn lahaa kaabayaasha
dhaqaalaha ee Qaarada Afrika
Sidoo kale waxaa shirkaas lagu martiqaadey
shirkado waaweyn oo ka socda Wadamada Yurub , Mareykanka,, Afrika, Carabta iyo
Aasiya, si ay wax badan ugu ogaadaan habka Shiinaha uu u Maalgelinyo Qaaradda
Afrika iyo Xiriirka sii xoogeysanaya ee Afrika iyo Shiinaha
Ma aha markii ugu horeysey oo kulan u dhexmaro
Shiinaha iyo Afrika waxaana sanadahaan dambe Dowladda Shiinaha hore u
dhaqaajisey sidii qaarada Afrika ugu yeelan lahayd saldhig dhinaca dhaqaalaha
waxayna dowladda Shiinaha ka hormareen wadamada kale ka dib markii bulshada
qaarada Afrika ay aamineen sida Shiinaha ay uga go’an tahay horumarka qaarada
Afrika.
THE BEGINNING OF JULY DJIBOUTI SHOULD HOST
CHINA-AFRICAN CONFERENCE FOR COOPERATION ‘
The 4rd to 7th July
2018 should open big conference CHINA-AFRICAN CONFERENCE FOR SUSTANTAINABLE
COOPERATION ON ECONOMIC COOPERATION STRUCTURAL TRANSFORMATION should
participate officials from China and Africa.
This conference should focus
the mechanism to reinforce and sustainable cooperation between china and Africa
especially economic though china government lastly engaging investment and
cooperation to Africa countries.
It is not first time to
convene China and Africa and these last year’s Chinese government boost how
African continent should have economic base and china become more engaged than
others while African people trust the Chinese strategy that to develop African
continent..
This meeting also would attend
business personal from Africa and china and the two sides would discuss how the
Chinese government should invest largely infrastructure of African continent.
As well as this meeting
invited big companies from Europe, USA Africa Arab Countries and Asia in order
to aware more the system of Chinese investment African continent and strong
cooperation between China and Africa
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]