4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2018
Kalfadhigii 41-aad ee Golaha Baarlamaanka Puntland oo maanta ka furmay magaalada Garowe


Sabti, June. 23, 2018 (HOL) - Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaa maanta ka furmay kal-fadhigii 41-aad ee golaha wakiillada Puntland. Kal-fadhigan oo ay xildhibaannadu arrimo dhowr ah ku eegi doonaan, waxaa si rasmi ah u furay madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) .

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,Axmed Cali Xaashi ayaa isagu ugu horreyn xafladda furitaanka ka hadlay, wuxuu sheegay in fadhigaani yahay mid ahmiyad gaar ah leh, isla markaana ay horyaallan ajandayaal muhiim ah, ugu dambayn waxaa uu baaq u jeediyey shacabka Puntland oo uu ku boorinayey in ay ilashadaan midnimadooda iyo jiritaankooda isla markaana la shaqeyaan dowladooda,si loo fuliyo qorshayaasha iyo howlaha horyaal dowladda.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas oo xarunta golaha wakiillada ee Garoowe khudbad dheer ka jeediyey, ayaa soo hadal qaaday wax-qabadka xukuumadiisa muddadii u dhexaysey labada kalfadhi ee sanadkan 2018, wuxuu si gaar ah diirrada u saaray arrimaha bulshada, siyaasadda, ganacsiga , xiisada gobolka Sool iyo qodobbo kale.

"Waxaan ku faraxsanahay kasoo qaybgalka furitaanka kalfadhiga 41aad ee golaha wakiilladda Puntland, annigoo raacaya Dastuurka, waxaan warbixin kooban idin ka siinayaa waxqabadkii Puntland muddadii u dhaxeysey labada kalfadhi... Mudanayaal, Dawladdu waxay qabatay shaqooyin ballaaran oo u badan difaaca dalka iyo shaqooyin taabanaysa dhinacyada ammaanka, dhiirrigelinta ganacsiga, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, Siyaasadda, kor u qaadista Iskaashiga Caalamiga ah iyo isku-xirka Heerarka Federaalka, gaar ahaan dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka ah." ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo ugu dambeyn si rasmi ah u furey kafadhiga.

Fadhigan oo ah kii 41-aad ee ay isugu yimaadaan golaha wakiillada ee Puntland - tan iyo markii la asaasay maamulka Puntland sanadkii 1998 , waxaa furitaankiisa ka qeybgalay Golayasha Dowladda,Saladiinta Dhaqanka,Bulshada Rayidka ah,Culimadda,Hay'adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.

Iman Jama