4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2018
Madaxweyne Gaas “Laascaanood iyo Garoowe xuduud makala yeelan-doonaan taa hala oggaado”

 

Sabti, June. 23, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Puntland , Cabdiweli Gaas oo maanta si rasmi ah u furey kalfadhiga 41 aad ee Baarlamaanka Puntland, wuxuu ku celiyay Puntland inaysan wax wada-xaajood ah ka gali doonin magaalada Laascaanood, wuxuu marka caddeeyay magaalada xarunta ah ee Garoowe iyo Laascaanood inaysan yeelan- doonin xaduud.

Puntland waxay aqoonsan tahay xaduudii ay dowladdii Soomaaliya u kala sameysay gobollada Togdheer iyo Sool, haddii ay wax ka qaldan yihiin waxaan kala hadlaynaa cidkasta oo samadoon ah, laakiin Gobolka Sool iyo Gobolka Nugaal dhexdooda cidii wadahadal ka doonaysa dee waxaan ku leenahay “ Af aadan lahayn aamus lama yiraahdo” beentaas yaan waqti la iskaga qaadin Laascaanood iyo Garoowe xuduud makala yeelan-doonaan taa hala oggaado.” ayuu yiri madaxweyne Gaas.

“Muuse Biixi wuxuu ku doodayaa Ingiriis ayaa gobolka Sool nasiiyay, waxaan u sheegaynaa Ingiriis dhulkaan malaha, wuxuu ahaa gumeyste maalmo joogay oo aan iska xoreynay, kumanaan Daraawiish ah iyo Soomaali kale ayaa dhiigooda u huray Naftoodana u hibeeyey si ay iskaga xoreeyaan heeryadaas gumeysiga.. Haddaba Muuse Biixi waxaan leeyahay haddii Ingiriis uu dhul kusiinayo Laascaanood maaha London, Xuduna maaha Birmingham, Taleex-na maaha Cardiff .”ayuu ku daray hadalkiisa madaxweynaha Puntland.

Gabagabadii, madaxweynaha wuxuu xaqiijiyay inaysan jirin wax wadahadal ah oo u dhaxeeya Puntland iyo Soomaaliland, xilli wali ciidamo labada dhinac ah ay isku hor fadhiyaan deegaanka Tukaraq.

Iman Jama