4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2018
Somaliland oo dacwad ka dhan ah Michael Keating ka gudbisay

 

Sabti, June. 23, 2018 (HOL) Xukuumadda Somaliland ayaa dacwad ka dhan ah ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ka gudbisay, isla markaana ku eedeysay inuu dhinac u xagliyey arrinta Tuko raq ee Khilaafka dhul ka taagan yahay.

Qoraalkan madaxweyne Biixi qoray ayuu u diray xoghayaha guud ee qaramada midoobay Mr: Antonia Guterres, waxaanu sheegay in Tuko raq ku taallo gudaha Somaliland, isla markaana xadkii uu gumaystihii ingiriisku dhigay uga hadhsan tahay toddobaadan killomitir.

Sidoo kale,waxa uu sheegay in Somaliland dalalka la jaarka ah kula nooshahay nabadgalyo, taas oo muddadii 27 sanadood ahaa xuduudaha ay la wadaagto dalalka kale nabadgalyo.

Sidoo kale, waxa uu uga mahad celiyey wada shaqaynta ka dhexeysa Qaramadda midoobay iyo Somaliland, waxaanu u sheegay xoghayaha guud in arrintaasi loo soo gudbiyey ahayd mid aan cadaalad ahayn oo uu dhinac u xaglinayey Ergaygu, isla markaana aan arrintaasi dhex aanu ka noqon.

Qoraalkan ayaa ka jawaab u ahayd qoraal la sheegay inuu qoray ergayga xoghaya guud u qaabilsan Soomaaliya Mr: Michael Keating oo uu kaga hadlayey dagaalkii ka dhacay Tuko raq.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.