Taliska ciidamada xoogga dalka oo sheegay in la soo afjaray dagaal beelleed muddo dheer soo socday
Sabti June, 23, 2018 (HOL)-Taliska ciidamada xoogga dalka gobolka Hiiraan
ayaa sheegay in la soo afjray colaad ku dhawaad Labo sano ka taageyd deegaanno
u dhaxeeya degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Taliyaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan G/sare Faarax Kooshin
ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in la kala qaado maleeshiyaadkii labada
dhinac oo muddo dheerba iska soo hor fadhiyay, isaga oo intaa ku daray in amar
ay ku fara-galiyeen colaada labada beellood uu bixiyay taliyaha ciidamada
xoogga dalka Soomaaliyeed.
‘’Colaadan waxa hurinaya waa Al-shabaab oo hadba labada beellood isku
diraya, sidoo kale waxaa jira dad la garanayo oo ku kala nool labada gobol
Hiiraan iyo Galguduud oo colaada hurinya, waxaa uga digeynaa arintaa, haddii
aysan ka waantoobinna waxaa inoo furan in aan gacanta ku dhigno shaqsiyaadkaa’’
ayuu yiri.
Labadan beellood oo marar badan leysku
dayay in la xalinayo colaada u dhaxeysa ayeey ku guul-dareysteen odayaasha
dhaqana gobollada Hiiraan iyo Galguduud oo ay labadan beellood ka soo kala
jeedaan.
Hasse ahaatee waxaa hadda muuqata in taliskan militariga uu soo fara-galiyay
colaada labada dhinac.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]