4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2018
Warar ku saabsan doorashada madaxtinimada dalka Turkiga

 

Sabti June, 23, 2018 (HOL)- Waxaa saacadaha soo socda xirmaya Ololaha doorashadda dalka Turkiga maanta ayaana ah maalintii ugu dambeysay ololaha doorashada dalka Turkiga ka hor inta aan berri oo Axad ah loo dareerin doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka.

Siyaasiyiinta Turkiga waxa ay sheegayaan  in doorashadani ay tahay mid aad la isugu dhowyahay waxaana suurtagal ah in madaxweyne Erdogan lagu khasbo in la aado wareeg labaad oo doorasho ah ka hor inta aan lagu kala bixin.

Bishii Abriil ee aynu soo dhaafnay ayuu madaxweyne Erdogan ku dhawaaqay in dalka ay ka dhaceyso doorasho wakhtigeeda laga soo hormariyay, arrintaa oo lama filaan ku noqotay kooxaha mucaaradka oo aan iyagu horey isu sii diyaarin, waxa ayna u muuqatay in madaxweynaha awoodda badan ee Turkiga uu diyaar u ahaa in si fudud ay guushu u raacdo.

Balse mudada labad bilood ahayd ayaa ah wakhti aad u badan marka la eego siyaasadda dalka Turkiga.

Mucaaradka kala daadsan ee dalkaasi ayaa u midoobay doorashada baarlamaanka si xisbiga madaxweyne Erdoqan ee AK party uusan u helin aqlabiyad ku filan.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]