4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2018
Al-shabaab oo xalay weerar ku qaaday kolanyo ay la socdeen ciidamada AMISOM

 

Sabti June, 23, 2018 (HOL)- Dagaal culus isugu jiray Qaraxyo iyo mid toos ah ayeey xalay Al-shabaab ku qaadeen kolanyo ay la socdeen ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM meel ku dhaw degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Cabdifitaax Xaaji Cabdulle oo ah guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga VOA ayaa sheegay in Al-shabaab weerar ku qaadeen gadiid ay la socdeen ciidamada AMISOM oo ka soo laabtay deegaanka Bali-doogle ee saldhig u ah ciidamada dowladda.

‘’Gadiidkan oo sahay geeyay xero ciidan oo ku taala Bali-doogle ayaa markii ay soo laabteen waxaa waddada u galay xoogag ka tirsan Al-shabaab waxaa halkaa ka dhacay iska horimaad culus oo labada dhinac ah, Al-shabaab waxaa ay halkaa ku qarxiyeen labo gadiid ah oo ka tirsanaa kolanyadii la socda ciidamada mid kalana waa ay kaxeysteen, laakiin markii ay sii wadi waayeen ayeey meel dhexe ku gubeen’’ ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka.

Cabdifitaax ayaa intaa ku daray in ay jirto dhimasho badan laakiin aan la xaqiijin karin inta ay la eg tahay dhimashada, madaama ayuu yiri dhulka lagu dagaalamayay uu ahaa mid howd ah oo dhul beeraley ah.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinac howlgalka midowga Africa AMISOM oo ka hadlaya weerarka xalay ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]