4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 21, 2018
Dowladda oo sheegtay in hawadda Soomaaliya aysan soo gali karin diyaarad aan fasax ka heysan

 

Khamiis, June, 21, 2018 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay aan la aqbali doonin wixii hadda ka danbeeya in hawadda Soomaaliya soo gasho diyaarad aan fasax ka heysan laanta hay’adda Duulista Hawadda, kaddib markii ay si rasmi ah ula soo wareegtay maamulka hawadda

Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) ayaa sheegay in howsha la soo wareegida Maamulka Hawada uu si tartiib tartiib u soo socday illaa bishii December sanadkii 2017 oo Madaxweyne Farmaajo uu daah furay qalabka lagu maamulayo hawada.

Yuusuf Jaalle ayaa sheegay in labada Xafiis ee Muqdisho iyo Nairobi ay wixii mudadaas ka dambeeyay ay iska garab shaqeynayeen, isla markaana ay socotay qeyb shaqaalaha lagu tababarayay.

Waxaa uu sheegay in xafiiska Nairobi shaqada ka soo dhamaatay, lana soo xiray 18-kii bishan June, isagoo xusay in Muqdisho hadda ka socdaan howsha, isla markaana shaqaalihii Nairobi joogay ee ay maamuleysay ICAO ay u soo guureen Muqdisho.

“Hadda waxaa socota in dhamaan shaqaalaha xafiiska Nairobi joogay in ay u soo guuraan Xafiiska Muqdisho, shaqaalihii ama qubarada ajnabiga, iyagana tababaro gooni ayay siinayaan shaqaalaha kala wareegi lahaa ee maamulayaasha noqon lahaa”ayuu yiri Yuusuf Jaalle oo intaa ku daray in wixii shaqo uu Xafiiska Muqdisho uu ku soo wareegay.

Wuxuu sheegay mar uu ka hadlayay shuruucda diyaaradaha hawadda maraya ayuu xusay in markii hore aanay jirin diyaarad aan ogolaansho heysan in ay soo gasho Hawada, waxaana uu xusay in diyaarad kasta oo dal ajnabi ka soo duuleysa in ay marka hore ogolaansho soo weydiisaneyso Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee dowladda Federaalka.

Dowladda Soomaaaliya ayaa dadaal badan u gashay sidii maamulka Hawada oo muddo dheer laga maamulayay magaalada Nairobi ula soo wareegi laheyd.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]