Maamulka gobolka Banaadir oo ka shiray u diyaar-garoowga munaasabada maalmaha xoriyada
Khamiis, June, 21, 2018 (HOL) - Kulan ay
yeesheen guddoomiyeyaasha 17ka degmo ee
gobolka Banaadir oo shir guddoominayey
Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa looga hadlay
amniga, daadajinta adeegyada asaasiga ah, sidii kor loogu qaadi lahaa ololaha
nadaafadda iyo bilic soo celinta magaalada, u-diyaar garowga maalmaha xoriyadda
ee foodda nagu soo haya.
Ugu horeyn, ayaa warbixinno la xiriira xaaladaha
degmooyinka laga dhageystay qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka,
iyagoona ka hadlay xaaladda degmooyinkooda, islamarkaana tilmaamay in meel
wanaagsan uu marayo daadajinta adeegyada iyo wada shaqeynta shacabka iyo
Maamulka.
Warbixinta amniga oo laga dhageystay Guddoomiye
ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed C/laahi Maxamed ayaa lagu
xusay in qorsheyaasha sugidda amniga Caasimaddu uu meel wanaagsan marayo,
iyadoo shacabka laga codsaday in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta kala dhaxeysa
hay’adaha amniga.
Duqa Muqdisho ayaa kulanka ka sheegay in
maamulkiisu uu mudnaan siiyey sidii amni buuxa loogu heli lahaa Caasimadda,
kaas oo horseed u yihiin guddoomiyeyaasha degmooyinka, Taliyeyaasha ciidamadda
iyo shacabka oo iskaashanaya.
Madaxda Maamulka Gobolka iyo kuwa heer degmo ayaa
ka arrinsaday u diyaar garowga maalmaha Xoriyadda ee 26-ka Juun iyo 1da Luuliyo
oo qorshuhu yahay in magaalada Caasimadda lagu qabto munaasabado lagu
maamuusayo qiimaha ay leeyihiin maalmaha xoriyadda.
Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka
degmo ayaa intii uu socday waxuu Duqa Muqdisho warbixinno la xiriira Nadaafadda
iyo bilicda, dakhliga, amniga iyo siyaasadda ka dhageystay Guddoomiyeyaasha
Degmooyinka, Ku-xigeennada Goddoomiyaha ee Arrimaha, Amniga iyo Siyaasadda
Mudane Maxamed C/laahi Maxamed, Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed
Nuur, iyo Xog-hayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen.
Ugu danbeyn, Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha
Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ugu baaqay
shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho in loo istaago horumarinta
Caasimadda, isagoo u sheegay shaqsiyaadka deegaamaystay dhulalka danta guud in
gacanta dawladda dib loogu soo celin doono, ugana digay ganacsatada
Soomaaliyeed in dhaqaalahooda ay geliyaan dhulalka danta guud ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]