4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 20, 2018
Xayiraad lagu soo rogay wargeys ka soo baxa Hargeysa

 

Arbaco, June, 20, 2018 (HOL) – Wargeys cusub oo magaciisa la yidhaahdo Waaberi oo maalmo ka soo baxay magaaladda Hargeysa ayaa lagu soo rogay xayiraad.

Gudoomiyaha wargeyska WAABERI Khadar Gurayte ayaa sheegay in wargeyska la xayiray,isla markaana sharciyadii wargeysku dhamaystiran yahay.

“Wargeyska Waaberi caawa ayaa la xayiray, sababta loo xayiray na waa mid xad-gudub ku ah xaqqa ay muwaadiniintu u lee yihiin in ay hay'ad warbaahineed furtaan. Dhammaan sharciyaddii Wargeysku waa ay noo dhammeystiran tahay se hada na waxa ay Xeer Ilaalintu si badheedh ah ay u hor istaagay oo ay u diidey sharciyaddii Wargeyska iyada oo Maxkamaddu xayirtay.”ayuu yidhi Khadar Gureyte.

Sidoo kale, ururka saxaafadda SOLJA aya iyaguna sharci daro ku tilmaamay xayiraadda lagu soo rogay wargeyskaasi.

“Ururka SOLJA waxa uu u arkay xayiraadda ay maanta xukuumaddu saartay wargeyska Waaberi mid aan waafaqsanayn xeerka Saxaafadda Somaliland kaasoo muwaadiniinta xaq u siinaya inay nidaam xeerka waafaqsan u furan karaan hay'ad warbaahineed.Ururka SOLJA, waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa inay ka qaado xayiraadda ay saartay wargeyska Waaberi, kaasoo labadii toddobaad ee u danbeeyey ku soo baxayey.”ayuu yidhi gudoomiyaha SOLJA Maxamuud Xuuto.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.