3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 20, 2018
Ra’iisal Wasaare Khayre oo la kulmay dhiggiisa Norway

 

Arbaco, June, 20, 2018 (HOL) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, oo ku sugan magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalkaasi, Erna Solberg.

Labada Ra’iisal Wasaare ayaa kawada hadlay adkeynta Xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway, horumarka, maal-gashiga, kobcinta dhaqaalaha, iyo taageerada hay’adaha amniga Soomaaliyeed.

Khayre ayaa u sheegay dhiggiisa dalka Norway, Erna Solberg in Dawladda Soomaaliya ay horumar ka sameysay siyaasadda, dhaqaalaha, la dagaallanka musuq-maasuqa isaga oo ka codsaday dawladda Norway in taageero ballaaran ay la garab istaagto Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Erna Solberg ayaa soo dhaweysay horumarrada Baaxadda leh ee Soomaaliya ay ku tilaabsaneyso, waxa ayna shaaca ka qaaday in Norway ay ka go’antahay garab istaagga Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa dhanka kale kulan la qaatay wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dalka Norway Nikolai Astrup isaga oo kulamo looga hadlay qorshayaal muhiim u ah shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed horay ula yeeshay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Wasiirka arrimaha dibadda Norway iyo agaasimaha Xarunta Wadatashiga arimaha Bini’aadninimada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/20/2018 3:59 PM EST
Arbaco, June, 20, 2018 (HOL) – Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda Ciidamada hor keenay dacwad ka dhan ah xidigle xoogga dalka Mowliid Cali Cabdi oo dil bareer ah u geystay Ex, dable Axmed Nuur Xuseen oo ay ka wada tirsanaayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

6/20/2018 12:11 PM EST
Arbaco, June, 20, 2018 (HOL)–Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii afartan cisho ku maqnaa dalal ku yaalla Yurub.

6/20/2018 10:42 AM EST
Arbaco, June, 20, 2018 (HOL)–Wargeys cusub oo magaciisa la yidhaahdo Waaberi oo maalmo ka soo baxay magaaladda Hargeysa ayaa lagu soo rogay xayiraad.

6/20/2018 9:23 AM EST
Arbaco, June, 20, 2018 (HOL)–Koox loo maleynayo in ay ahaayeen burcad ayaa toogasho ku dilay Sibusiso Radebe oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa Xisbiga ANC ee dalka Koonfur Africa.

6/20/2018 7:20 AM EST
Arbaco, June,20, 2018 (HOL)- Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in maanta la siidaayay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) horay loogu xukumay Saddex sanno oo xabsi ah.

6/20/2018 6:28 AM EST
Arbaco, June,20, 2018 (HOL)- Ugu yaraan 30 askari oo ka tirsan ciidamada dalka Afghanistan ayaa la dilay kadib markii maleeshiyo la tuhunsan yahay inay yihiin Taliban ay weerar ku qaadaeen laba bar kontorool maanta.

6/20/2018 3:54 AM EST
Arbaco, June,20, 2018 (HOL)- Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu isaga baxay Xubinimada Golaha Xuquuqul Insaanka, iyagoo ka carrooday tallaabooyinka Goluhu qaaday ee ka dhanka ah Israa’iil.

6/20/2018 3:22 AM EST
Arbaco, June,20, 2018 (HOL)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya gaari goor dhaw ku qarxay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho oo sida wararku sheegayaan la socdeen labo dhalinyaro ah.

6/20/2018 2:50 AM EST
Arbaco, June,20, 2018 (HOL)-Wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Koonfureed, Kang Kyung-wha, ayaa sheegtay in xayiraadaha saaran Kuuriyada Woqooyi ay wali sii jiri doonaan tan iyo inta gebi ahaanba dalkaasi uu ka burburinayo hubkiisa niyuukleerka.

6/20/2018 2:27 AM EST
Arbaco, June,20, 2018 (HOL)-Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maamul gobolleedka Jubbaland oo maalmihii ugu danbeeyayba howlgalo ka waday deegaannada ay maamulaan Al-shabaaab ayaa sheegay in ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Buulo Xaaji.

6/20/2018 2:04 AM EST
Arbaco, June,20, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo faah faahin ka bixiyay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaannnada Hirshabeelle ayaa sheegay in ay xoojinayaan dagaalka ka lagula jiro Al-shabaab.