4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 20, 2018
Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Africa oo toogasho lagu dilay

 


Arbaco, June, 20, 2018 (HOL) – Koox loo maleynayo in ay ahaayeen burcad ayaa toogasho ku dilay Sibusiso Radebe oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa Xisbiga ANC ee dalka Koonfur Africa.

Madaxa iyo lugta ayaa laga toogtay kaddib markii qofka laga shakisan yahay uu ka dalbaday in uu ku soo wareejiyo taleefankiisa gacanta, sida uu warbaahinta Mpumalanga News u sheegay qof ka mid ah qoyska xildhibaanka.

Arrintan ayaa ka dhacday magaalada Roodepoort ee ku taalla Koonfur Afrika, waxaana falkan siweyn uga qoykiisa.

Sidda ay xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Afrika falkan waxaa geystay koox loo malaynayo in ay yihiin Burcad, iyaga oo meesha ka saaraya in dilkan lala xiriiriyo siyaasad.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]