4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 20, 2018
Boqor Buurmadoow oo xabsiga laga sii daayay

 

Arbaco, June,20, 2018 (HOL)- Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa  ayaa sheegaya in maanta la siidaayay  Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow)  horay loogu xukumay Saddex sanno oo xabsi ah.

Ilo kala duwan ayaa u xaqiiqjiyay Hiiraan Online sii deyntan Boqorka muddo 60 maalmood ka ddib oo uu xirnaa.

Xariga Boqorka ayaa yimid kaddib markii uu uga qeybgalayalay degaanka Carmo ee Puntland Caleemo-saarka Beeldaajiye cusub, waxaana xukunkiisa lala xiriirinayaa hadal uu ka jeediyay munaasibaddii caleemo saarka beeldaajiyahaasi.

Somaliland waxa ay horay ugu eedeysay in uu kasoo horjeedo madaxbaanida Somaliland taasoo keentay in xabsi lagu xukumo

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]