4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 20, 2018
Madaxweyne Waare oo ka hadlay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab

 

Arbaco, June,20, 2018 (HOL )- Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo faah faahin ka bixiyay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaannnada Hirshabeelle ayaa sheegay in ay xoojinayaan dagaalka ka lagula jiro Al-shabaab.

Madaxweyne ayaa sheegay dagaalamayaasha Al-Shabaab ee Hirshabeelle soo weerara ka yimaadaan deegaannada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in AMISOM iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay sii laba jibaaraan taageerada ay siinayaan ciidamada Hirshabeelle ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Waare waxaa xusay in Al-Shabaab keliya looga guuleysan karo in si wadajir ah dagaal loogu qaado degaanada ay Al-Shabaab ku sugan yihiin.

Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe xoojiyay weerarada ay ka geysanayaan degaanada Hirshabeelle, weerararadaas qaarkood waxaa ku dhintay mas'uuliyiin ka tirsan Maamulkaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]