4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 19, 2018
Ismaaciil Hurrre Buubaa " Heshiiskii Itoobiya wuxuu fursad u yahay Soomaaliya"

 

Talaado, June, 19, 2018 (HOL )- Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya,Ismaaciil Hurrre Buubaa ayaa soo dhaweeyay qodobbadii ka soo baxay wada-hadal ay Sabtidii ku yeesheen magaalada Muqdisho ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu ku sheegay booqashada Abiy ee Muqdisho mid taariikhi ah, isagoo fikir ahaan caddeeyay micno weyn inuu ku fadhiyo qodobbada ay dowladda Soomaaliya kula heshiisey Itoobiya.

"Booqashada ra'iisul wasaaraha Itoobiya ku yimid Xamar ,siyaalo aad iyo aad u qote dheer bay anniga ila tahay inay u saameynayso Soomaaliya, Soomaaliland gayiga Soomaaliyeed oo dhan , qodobbadii ka soo baxay warmurtiyeedkii laga soo saareyna aad ayuu u qoto dheera , waa arrin loo baahanyahay inan meel soke laga eegin oo si deggan oo cilmiyeesan loo wada eego, waana arrin taariikhi ah oo ay Soomaali oo dhan ay u baahantahay." ayuu yiri Ismaaciil Hurrre Buubaa oo la hadlay raadiyaha maxalliga ah ee Goobjoog.

Gabagabadii, wuxuu sheegay heshiiska dekadaha inuu yahay mid isbedallo ka hirgelin kara guud ahaan dhulka Soomaalida, wuxuu muujiyay in hadda kaliya un la heshiiyey balse la sugayo qaabka heshiiskaasi uu ku dhaqan-galayo.

Iman Jama
Nairobi,Kenya