4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 19, 2018
Waare : Dekeddaha ay Itoobiya maalgashaneyso waxaa ka mid ah dekedda Cadalle

 

Talaado, June, 19, 2018 (HOL) -Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa soo dhoweeyay heshiiska maalgashiga Afarta Dekedood ee ay Sabtidii la soo dhaafay ay Muqdisho ku wada gaareen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Waxaa uu sheegay in heshiiskaas uu Hirshabeelle u yahay dano aad u weyn iyo horumar mustaqbalka, maadaama ay xuduud la leeyihiin Itoobiya.

“Aad ayaan u soo dhaweyneynaa  Heshiiskaas, waayo annaga xuduud ayaa ku xignaa, in la furo Kastamka Feer Feer meeshaas ay noqoto meel laga ganacsado intii xero milateri ku ooli laheyd, maalintii ay isu gudbaan boqol baabuur, dadka is dhex maro, dadka ka yimaada Mustaxiil ay yimaadaan Beledweyn, Godey iyo Beledweyn la isu maro, jidadka la sameeyo”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in haddii heshiiskaas laga mira geliyo uu waa cusub u baryayo Geeska Afrika, isagoo xusay inuu aaminsan yahay in heshiiska afarta Dekadood inay Dekeda Cadale noqoto tan ugu horeysa.

“Waxaa aaminsanahay in Dekedda Cadale laga dhisayo ay noqoto afarta dekeda ugu horeysa, Dekedaas ay noqoto deked Lojisticik, in jid laga bixiyo, Jid Tareen laga bixiyo, anaga Hirshabeelle ahaan waxa anoo muuqda horumar weyn”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

Hogaamiyayaasha dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dhawaan uga dhawaaqay magaalada Muqdisho heshiis iskaashi oo dhaxmara labada dowladdood, waxaana ka mid ah in si wada jir ah u wadamaalgashadaan Afar Dekeddood.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]