Talaado, June, 19, 2018 (HOL )- Dowlada Soomaaliya ayaa maanta gudbisey dukumenti
ay uga jawaabeysey eeddo cusub oo ay ku soo dartey jawaabteedii ugu danbeysey
ee dacwada badda ee Kenya iyo Soomalia oo hortaala maxkamada caalamiga ah The Hague
Danjiraha dowladda Soomaaliya ee midowga Yurub Cali Saciid Faqi oo faah
faahin ka bixiyay jawaabta ay gudbisay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in
mudaddii loo qabtay dowladda Soomaaliya gudisay jawaabtii loo baahnaa.
Faqi ayaa sheegay in dowladda Kenya dhinaceed ilaa December sanadkan laga
sugayo in ay soo gudbiso jawaabta looga baahan yahay.
‘’ Marka sidoo kale Kenya soo gudbisay jawaabta laga sugayo gal-dacwadeedka,
sanadka soo socda wixii ka danbeeya maxkamada go’aan ay ka gaari doontaa
dacwada iyo kiiska leyska hayo ee muran xudduudeedka Badda’’ ayuu yiri Cali
Saciid Faqi.
Ergadan waxaa hoggaaminaya Xeer Ilaaliyaha Guud
ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, waxaana qeyb ka ah qareenno ay garwadeen ka
tahay Dr. Muna Al Sharman iyo Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali
Said Faqi.
Muran xudduudeedkan badda ee leysku hayo ayaa la
sheegay in uu ku jiro Gaas iyo Saliid, dowladda Kenya ayaa dhulkaas heshiis kula
gashay shirkado shisheeye in ay ka baaraan shidaal, ilaa 44 jeer ayaa Gaas iyo
Saliid laga baaray goobtaas lagu murnasan yahay, shirkadaha baaritaanka ka
sameeyay ee Kenya ay heshiiska la gashay waxaa ka mid ah Total, Eni iyo
PanContinental.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]