3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 19, 2018
Maxkamad muwaadin Soomaaliyeed ku xukuntay 15 sano oo xarig ah

 

Talaado, June, 19, 2018 (HOL )- Maxkamad ku taalla magaalada Ottowa ee dalka Canada waxa ay ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah ku xukuntay Cali Cumar Adeer oo ah muwaadin Soomaaliyeed kadib markii lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa afduub 2008-dii meel u dhaw Muqdisho loogu geystay gabar Wariye aheyd.

Dacwadda Cali Cumar Adeer ayaa soo soctay in mudo ah marar badan, waxaana xusid mudan in marar badan oo maxkamada la horkeenay uu diiday eedeymaha loo soo jeediyay, isaga oo ku adkeystay in uu ahaa turjumaan oo kaliya.

Cadeymo la horgeeyay Maxkamadda oo isugu jiray codad laga duubay xilligii uu wada hadal kula jira hooyada dhashay gabadha wariyaha ah ee Amanda Lindhout iyo kuw kale oo ay keeneen ciidamada aan is muujin ayaa sababtay in lagu xukumo 15 sano oo xabsi ah.

Qaadiga Maxkamadda Sare ee gobolkaasi oo dacwadda qaadayay ayaa sheegay in Cali Cumar Adeer uu u qalmo xukunka ku dhacay ee 15 sano ah.

Ninkan ayaa waxaa la xiray 2015-kii kadib markii dalka Canada lagu geeyay heshiis been ah oo ku saabsanaa daabacaada buug uu qorsheynayay qoridiisa, balse dadka kala shaqeynayay arrintaasi ay ahaayeen ciidamo qarsoon oo heer federaal ah.

Mudadii uu xirnaa Cali Cumar Adeer ayay Maxkamadu sheegtay in laga jarayo sanadihii lagu xukumay marka uu dhameystana loo soo musaafurin doono Soomaaliya.

Amanda Lindhout oo ah wariye u dhalatay dalka Canada iyo sawir qaade u dhashay wadanka Australia ayaa afduubnaa 460 maalmood 2008-dii, waxaana Linda markii dambe lagu sii daayay 600,000$ oo ay dhiibeen qoyskeeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/19/2018 1:58 PM EST
Talaado, June, 19, 2018 (HOL )- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi gaar ah siinayay TV Qaranka ayaa markii ugu horeysay faah faahin dheeraad ah ka bixiyay heshiiskii ay wada-gaareen Sabtidii aynu soo dhaafnay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo Muqdisho booqasho ku yimid.

6/19/2018 9:50 AM EST
Talaado, June, 19, 2018 (HOL )- Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya,Ismaaciil Hurrre Buubaa ayaa soo dhaweeyay qodobbadii ka soo baxay wada-hadal ay Sabtidii ku yeesheen magaalada Muqdisho ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

6/19/2018 9:40 AM EST
Talaado, June, 19, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Caali (Gaas) ayaa magacaabay Garyaqaanka guud ee Puntland,sida ku cad wareegto goor dhow ka soo baxday xafiiska madaxweynaha.

6/19/2018 6:22 AM EST
Talaado, June, 19, 2018 (HOL) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa si wadajir ah uga furay magaalada Oslo Shirka Madasha Oslo oo looga hadlayo dejinta Xasaradaha caalamka.

6/19/2018 4:35 AM EST
Talaado, June, 19, 2018 (HOL) -Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa soo dhoweeyay heshiiska maalgashiga Afarta Dekedood ee ay Sabtidii la soo dhaafay ay Muqdisho ku wada gaareen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

6/19/2018 2:18 AM EST
Talaado, June, 19, 2018 (HOL)-Shirkan oo ay isugu yimaadeen guddiga amniga Jubbaland islamarkaana ay ka qeybgalayaan saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa furmay shalay gelinkii danbe, waxaana maalintii labaad uu ka socdaa magaalada Kismaayo.

6/19/2018 2:05 AM EST
Talaado, June, 19, 2018 (HOL)-Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa laamaha ammaanka dalkiisaa ku eedeeyay in ay ku kacaan falal argagixiso iyaga oo si sharci darro ah dadka u xira una jir dila.

6/19/2018 1:05 AM EST
Talaado, June, 19, 2018 (HOL)-Dowlada Soomaaliya ayaa maanta gudbisey dukumenti ay uga jawaabeysey eeddo cusub oo ay ku soo dartey jawaabteedii ugu danbeysey ee dacwada badda ee Kenya iyo Soomalia oo hortaala maxkamada caalamiga ah The Hague

6/19/2018 12:46 AM EST
Talaado, June, 19, 2018 (HOL )-Magaalada Oslo ee dalka Norway maanta oo Talaado ah waxaa ka furmaya shirka sanadlaha ah ee madasha Oslo, kaasi oo ay marti gelinayso Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Norway.