Isniin, June, 18, 2018 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha
Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu
hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Oslo oo ay si heer sare ah ugusoo dhaweeyeen
safiirka Norway u fadhiya Soomaaliya iyo Masuuliyiin ka socota Wasaaradda
arrimaha dibadda Dalka Norway.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa ka qeyb
gelaya shirka sanadlaha ah ee madasha Oslo oo maalinta Barri ah ka furmaya
Magaalada Oslo kaas oo ay marti gelinayso wasaaradda arimaha dibadda Norway.
Shirkaan oo qorshuhu yahay in uu socdo 19-20
June, ayaa ah madal sanadkiiba mar la qabto loogana hadlo xallinta khilaafaadka
kaas oo ay isugu yimaadaan Madax ka kala socota adduunka.
Madasha waxaa ka qeyb galaya sanadkaan Ra’iisul
Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaaraha dalka Norway, Erna
Solberg, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, Xoghayaha Guud
ee Hey’adda ammaanka iyo wada shaqeynta Yurub, Thomas Greminger, U qaabishana
Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay ee arimaha Siyaasadda, Rosemary A. DiCarlo
iyo wasiirrada arimaha dibadda ee dalalka Algeria, Jordan, Cummaan iyo
Tanzania.
Kulanka inta uu socdo waxa ay ka qeyb galayaashu
ka doodayaan si qota dheerna uga hadlayaan caqabadaha ku hor gudban dadaallada
Nabad dhalinta iyo sida ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadahaas.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale
inta uu Joogo Oslo la kulmaya qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb galeysa shirkaan
Caalamiga ah iyaga oo ka wada hadli doona arima badan oo muhiim u ah Soomaaliya
iyo dalalka iyo Hey’adaha ay ka socdaan madaxda uu la kulmayo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]