4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 18, 2018
Soomaaliland : Itoobiya labo mar ma gali-karto heshiiska Dekedda Berbera

 

Isniin, June, 18, 2018 (HOL)- Somaliland oo markii ugu horeysay ka hadashay heshiiskii dhawaan Muqdisho ay ku gaareen Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegtay in heshiiskaasi aanu quseyn iyaga.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guribarwaaqo) oo la hadlay Laanta VOA ayaa sheegay in heshiiskaas aanu wax saameyn ah ku yeelan doonin dhinacooda madaama ayuu yiri sida uu hadalka u dhigay Soomaaliya iyo Somaliland kala madax-bannaan yihiin.

Wasiirka ayaa meesha saaray in Dekedaha heshiiska ku jira ee la wadda maal-gashanayo aysan ka mid aheyd dekedda Berbera oo sida uu sheegay horeyba loogu heshiiyay saami-qeybsigeeda.

‘’Waxaa jira wax caqliga diidaya Itobiya waxaa ay horay heshiis ula gashay Somaliland iyo shirkadda DP World ee Imaaraadka laga leeyahay waxaana uu heshiiskaa ka dhacay dalka Isku tagga Imaaaraadka Carab, sidaa daraadeed ma’aha wax dhici kara mar kale haddana heshiis cusub oo isla dekedda Berbera ah gasho, ayuu yiri’ Wasiirka.

Wuxuu sheegay in marka dadka ka imanaya Soomaaliya doonaayaan in ay soo galaan Somaaliland ay tahay in ay Visa u soo qaateen taasoo muujineysa ayuu yiri in aynu kala madax-bannaannahay.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xili maalin ka hor magaalada Muqdisho uu socdaal ku tagay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxaan shir jaraa’id oo ay wada jir u qabeen isaga iyo madaxweyne Farmaajo lagu soo bandhigay heshiis dhiggaya iskaashi dhinacyo badan

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]