4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 18, 2018
Dibadbax looga soo horjeedo Somaliland oo ka dhacay Garoowe


Isniin, June, 18, 2018 (HOL)- Dibadbax looga soo horjeedo Somaliland ayaa maanta ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta Puntlnad, iyadoo dadweyne isugu soo baxay waddooyinka magaalada ay ku qeylinayeen halku dhigyo ka dhan ah Maamulka Somaliland.

Dibadbaxa ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garowe, waxaana gawaari ku rakibnaa cod baahiyeyaal goor sii horeysay oo saaka ah dadweynaha loogu yeeray inay isu soo baxaan.

Dadka isku soo baxa dhiggayay ayaa isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaa ay ku eedeeyeen Somaliland inay dhibaato ku heyso shacabka ku nool magaalada Laascaanood.

Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa u dhaxeeya xiisado dagaal oo ka dhashay muranka lahaanshaha Gobolka Sool oo labada dhinac ay kala sheegayaan inay maamulkiisa hoos tagto.

Bishii aynu soo dhaafnay ayeey ayeey aheyd markii dagaallo qaraar ay ka dhaceen deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, waxaana weli deegaankaas ka taagan xiisad dagaal, maadaama labada ciidan ay is hor-fadhiyaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]