4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 18, 2018
Saddex Wiil oo Walaalo ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

 

Isniin, June, 18, 2018 (HOL) – Saddexdan wiil ee toogashada lagu dilay oo ahaa Walaalo ayaa lagu waramayaa in uu gurigooda ku toogtay Nin hubeysan oo la sheegay in ay ahaayeen qaraabo dhaw.

Dilkan oo ka dhacay xaafadda Jamhuuriya ee degmada Karaan ayeey goob joogayal sheegeen in gudaha guriga ay toogashada ka dhacday laga maqlay rasaas culus, kaddib-na la arkay meydka saddexdan wiil ee walaalahaa, iyadoo uu goobta ka baxsaday shaqsigii dilka geystay.

Meydka ayaa la geeyay xarunta danbi baaritan CID halkaa oo ay saraakiisha dowladda ka  bilaabeen baaritaan  la xiriira dalka, waxaana warbaahinta la hadlay ehelada raggan toogashada lagu dilay.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxayay sababta uu ninkan hubeysan u dilay wiishan walaalaha ahaa, waxaana ay dadka qaar sheegeen in uu jiray muran la xiriira dhul leysku heystay oo u dhaxeeyay labada Qoys ee ninka toogashada geystay iyo wiilasha la dilay ay ka soo kala jeedaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]