Dowladda Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya
Isniin, June, 18, 2018 (HOL) –Dowladda Soomaliya
ayaa markii ugu horeysay faah faahin dheeraad ah ka bixisay heshiiskii
dhaxmaray dowladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya kaddib socdaalkii uu maalin ka hor
ku yimid magaalada Muqdisho ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo faah faahin ka bixinayay heshiiskaasi ayaa
waxaa uu sheegay in uu ku saabsanaa dhinacyada iskaashiga amniga,
diblomaasiyadda, iyo arrimo kale.
Wuxuu sheegay Wasiir Daahir Geell in heshiiskan
uu mudo soo socday oo dowladihii midan ka horeeyay ay soo wadeen, wuxuuna
tilmaamay in labada dalba ay heysteen fursado badan.
Laakiin waxaa uu meesha ka saaray hadalkii ka soo
yeeray ra’iisal wasaaraha Itoobiya ee ahaa in labada dal isku noqonayaa hal
wadan, isaga oo sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya yihiin labo dowladood oo
kala madax-bannaan laakiin yeelanaya iskaashi iyo wax wada qabsi.
“Heshiiskani
wuxuu ku saabsanaa dhinacyo badan, heshiiskani mudo ayuu soo socday, mar walba
waxaa laga duulayay laba dowladood oo deris ah, waxaa aad looga hadlay xiriirka
dhaqaale ee labada dowladood, suuq macno leh ayaa halkan ka dhalanaya, waxaan
kuu sheegi karaa in ay wada hadleen laba dal oo kala madax banaan, ra’iisul wasaaraha
Itoobiya wixii uu ka hadlay waa wax dalkiisa quseeya” ayuu yiri Wasiir Daahir
Geelle.
Mar wax laga weydiiyay in Itoobiya dhisaneyso Ciidamo Badda, isla
markaana heshiiskan uu ku soo aaday xilli xasaasi ah ayuu kaga jawaabay
in dadka Soomaaliyeed arrimahaas shaki ka geli kara, balse gobonimada
Soomaaliya ay tahay lama taabtaan.
“Dowladda ka talisa Soomaaliya inay horumariso mooyee hoos ugama
dhigeyso, gobonimada iyo madax banaanida Soomaaliya waa laba taabtaan,
Dekedaha iyo dalka cid la siiyay ma jirto, laakiin iskaashi dhaqaale oo
dowlad kasta oo adduunyada ka mida haddii ay timaado la yeelan laheyn
waaye waxaa meesha ka dhacaya, waana wax maslaxad Soomaaliyeed ku
jirto”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.
Booqashadii ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ee
uu ku yimid Soomaaliya ayaa aheyd mid aan horayba loo sii ogeyn, iyadoo la og
yahay labada dal tan iyo wixii ka danbeeyay heshiis Berbera uu ka dhax aloosnaa
mugdi siyaasadeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]