3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 18, 2018
Abiy Ahmed : Waa in laga gudbaa taariikhdii hore ee ku saleysneyd colaada Annaga iyo Soomaaliya

 

Isniin, June, 18, 2018 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed oo la hadlayay TV Qaranka dalka Itoobiya kaddib booqasho uu maalin ka hor ku yimid magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay socdaalkiisii Soomaaliya.

Abiy Ahmed ayaa sheegay in laga soo gudbbay sida uu hadalka u dhigay taariikhdii hore ee ku saleysneyd colaada labada wadan, hadana loo gudbay is faham iyo wax wada qabsi labada dalna ay noqanayaan hal wadan oo mid ah.

“Wadahadalada-na dhexmaray waxaan ku heshiinay arrimo rajo badan na geliyay sida in aan si KMG ah isaga kaashano dhaqaalaha, mustaqbalka-na aan shacabkeena mideyno oo aan noqono hal wadan oo mideysan, waa in wadamada geeska afrika hadii ay suuragal tahay noqdaan hal dal oo dhameystiran sida Dubai, Mareykanka ama Yurub” ayuu yiri ra’iisal wasaare Itoobiya.

Abiy ayaa hadalkiisa sii raaciyay“Midaa waxaan ka heli karnaa faa’idooyin balaaran, caalamka-na aan uga yeelan karno awood gorgortan, hadaba taasi micnaheedu muxuu yahay, Soomaaliya waa dal juqraafi ahaan ku yaalla dal muhiim ah laakiin biyaha bada ee Soomaaliya ku wareegsan waxaa ay noqdeen kuwa maalintiiba aanan lagu arkin hal markab, ma ahan biyo la cabi karo ama wax lagu beeran karo, marka inaan dhahno dekad la aan ayaan nahay dhibaato ayay nagu tahay mustaqbalka fog marka la eegana arrintaasi dhibaato fog ayay nagu yeelan kartaa.” Ayuu markale yiri ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa u muuqday mid durbaba shaki galiyay socdaalkii uu ku yimid Soomaaliya, dhinaca kalana hadal heyn iyo dood ka dhax abuuray baraha bulshada, laakiin haddana dhinaca kale dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadal ama ma aysan faah faahin heshiiska labada dalka dhaxmaray iyo waxa uu ku saleysan yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
6/18/2018 3:57 PM EST
Isniin, June, 18, 2018 (HOL)-Waxaa si rasmi ah gacanta dowladda Soomaaliya ugu soo wareegtay maamulka Hawada oo muddo dheer xarun u aheyd magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

6/18/2018 11:25 AM EST
Daawo Ilhaan Omar oo shalay heshay Kalsoonida Xisbiga Dimoqraadiga ee MN

6/18/2018 10:14 AM EST
Isniin, June, 18, 2018 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Oslo oo ay si heer sare ah ugusoo dhaweeyeen safiirka Norway u fadhiya Soomaaliya iyo Masuuliyiin ka socota Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Norway.

6/18/2018 10:09 AM EST
Isniin, June, 18, 2018 (HOL)- Somaliland oo markii ugu horeysay ka hadashay heshiiskii dhawaan Muqdisho ay ku gaareen madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegtay in heshiiskaasi aanu quseyn iyaga.

6/18/2018 8:24 AM EST
Isniin, June, 18, 2018 (HOL)- Dibadbax looga soo horjeedo Somaliland ayaa maanta ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta Puntlnad, iyadoo dadweyne isugu soo baxay waddooyinka magaalada ay ku qeylinayeen halku dhigyo ka dhan ah Maamulka Somaliland.

6/18/2018 8:18 AM EST
Isniin, June, 18, 2018 (HOL)-17 makhaayadood oo qiimihii shaaha kordhiyey ayaa lagu xidhay magaaladda Burco ka dib markii dadweyinihii macaamiisha u ahaa si weyn uga cawdeen korodhka qiimaha koobka shaaha ah ku yimid.

6/18/2018 2:39 AM EST
Isniin, June, 18, 2018 (HOL)-Dowladda Kenya oo faah faahin ka bixisay weerarkii shalay gelinkii dambe ciidamada lagula eegtay deegaanka Wajeer oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

6/18/2018 2:33 AM EST
Isniin, June, 18, 2018 (HOL)–Saddexdan wiil ee toogashada lagu dilay oo ahaa Walaalo ayaa lagu waramayaa in uu gurigooda ku toogtay Nin hubeysan oo la sheegay in ay ahaayeen qaraabo dhaw.

6/18/2018 2:23 AM EST
Isniin, June, 18, 2018 (HOL) –Dowladda Soomaliya ayaa markii ugu horeysay faah faahin dheeraad ah ka bixisay heshiiskii dhaxmaray dowladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya kaddib socdaalkii uu maalin ka hor ku yimid magaalada Muqdisho ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.