4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 17, 2018
Howlgallo wadajir ah oo ka socda magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug

 


Axad, June, 17, 2018 (HOL) - Ciidamo isugu-jira kuwa Galmudug iyo Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay howlgallo wada-jir ah oo ammaanka lugu xaqiijinayay ka wadey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

"Amniga hadda waa mid aad u wanagsan wax-badan ayaana is baddalay tan iyo inta ay ciidamada wada-jirka ah howlgallada billaabeen, wayna sii socon doonan." ayuu yiri taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee Puntland, Axmed Cismaan Cali oo la hadlay Hiiraan Online.

Taliyaha qeybta, wuxuu inta ku daray ciidamada inay ka howlgallayaan dhammaan xaafadaha magaalada Gaalkacyo ee koonfurta iyo waqooyiga , wuxuu shacabka usoo jeediyay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amniga "wada shaqeynta shacabka iyo ciidanka waxay sahleysa in wax laga qabto dhibaatada amni ee gobolka" ayuu yiri Axmed Cismaan.

Ciidamada wadajirka ee Galmudug iyo Puntland , waxaa loo dhisey in xal loo helo ammaanka gobolka Mudug, oo ay ka dhaceen dagaallo soo noq noqdey,waxaana loogu yeera 'ciidanka isku-dhafka".

Iman Jama