Axad, June, 17, 2018 (HOL) - Ilaa 25 qof ayaa ku
dhimatay Bariga Afghanistan kadib markii qarax ismiidaamin ah lagu qaaday meel
ay ciidamada dowladda joogeen.
Weerarkaasi ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay
ku dhawaad 40 kale oo ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay.
Kooxda Taliban ayaa muddo inta lagu jiro ciidda
hakisay dagaalka ay kula jiro dowladda, waxayna shacabka fursada u siisey in ay
si nabad galyo ah u ciidaan, balse weerarkan ayaa waxa masuuliyaddiisa sheegtay
kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ah.
Ilo dhinaca ammaanka ah ayaa sheegey in
dadka waxyeellada weerarkaasi ka soo gaartay ay isugu jiraan ciidamada
Afghanistaan, maleeshiyaadka Talibaan iyo dad rayid ah oo farxadda ciidda u
dabaal degayay.
Afhayeen u hadlay dowladda, Attaullah Khogyani,
ayaa sheegey in weerarka uu ka dhacay duleedka Jalabalad, xarrunta
gobolka Nangarhar.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]