4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 17, 2018
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland "Waxaan filaynaa gobolka Mudug in uu hal maamul yeesho"

 

Axad, June, 17, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland,Xasan Maxamed Khaliif ayaa markii ugu horreysay sheegay inuu rajo ka qabo gobolka Mudug inuu hal noqdo oo hal maamul uu yeesho, wuxuu caddeeyay muddooyinkii u dambeeyay si wadajir ah inay u shaqeynayeen labada maamul.

Khaliif, ma sheegin halka maamul ee u filayo gobolka inuu yeesho, balse wuxuu xaqiijiyay wada shaqeynta ciidamada isku-dhafka ah ee ka howlgalla magaalada Gaalkacyo inay wax badan ka badaleen amniga magaalada iyo guud ahaan gobolka.

"Gobolka Mudug oo dhan ayaa wada shaqeynaya, ciidamada hadda amniga ilaalinaya qabiil makala laha oo koonfur iyo waqooyi buu jira maleh...Waxaana filaynaa inan u gudubno gobolka Mudug siddii uu ahaan jirey inuu noqdo oo hal maamul yeesho oo bulshadu isku mid noqoto." ayuu yiri, Xasan Maxamed Khaliif.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa si wadajir ah waxaa uga taliya Puntland iyo Galmudug, waxaana bulshada ay u kala qeybsanyihiin koonfurta iyo waqooyiga,khilaaf soo kala dhexgalay labada maamul iyo bulshada kala qeybsan ayaana dhowr mar dhaliyay dagaal ay dad badan ku dhinteen.

Iman Jama