4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 16, 2018
Maxey ka dhiggan tahay booqashadii Abiy Ahmed ee Muqdisho

 

Sabti, June, 16, 2018 (HOL) – Marka laga soo tago saameynta siyaasadeed iyo militari ee dowladda Itoobiya ay ku leedahay Soomaaliya haddana dhinaca kale tan iyo wixii ka danbeeyay heshiiskii DP World ee Dekedda Berbera waxaa jiray madmadow siyaasadeed oo soo kala dhaxgalay labada dowladdood Soomaaliya iyo Itoobiya.

Soomaaliya waxaa ay u aragtay heshiiskaa mid dhaawacaya jiritaanka Qarannimada Soomaaliya, Itoobya-na 19% ayeey ka qaadatay saami-qeybsiga dekedda Berbera, hasse ahaatee go’aan bishii Maarso ee sanadkan uu gaaray Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gabi ahaanba dalka looga mamnuucay shirkadda DP World, waxaana uu baarlamaanku ku tilmaamay heshiiskii Berbera mid xaaran ah oo aan sharuucda dalka waafaqsaneyn.

Tan iyo wixii xiligaa ka danbeeyay dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka xiriirkooda ma wanaagsaneyn oo toos ah ayeey warbaahinta cambaareyn isugu mariyeen, laakiin marnaba dowladda Soomaaliya ma aysan soo hadal qaaday Itoobiya oo aheyd dowladda kaliya ee heshiiskaasi ku jirtay marka laga soo tago shirkadda DP World iyo Somaliland.

Laakiin haddana mar walba waxaa soconayay kulamo hoosaadyo ay lahaayeen wafuud ka kala soctay labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya oo malaha qodobada ugu waaweyn oo ay ka wada hadlayeen ay ka mid aheyd arinta Dekedda Berbera iyo aragtida dowladda Soomaaliya.

 

Wada-xaajoodkaa waxaa ugu danbeeyay safarkii ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu horkacayo ay ku tageen Addis Ababa oo la rumeysan yahay in uu ka soo baxay socdaalka uu maanta ku yimid Muqdisho ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Wuxuu ahaa socdaal u muuqday in dowladda Itoobiya u hogaansan tahay ilaalinta Qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, madaama heshiiskii Berbera la oran karo wuxuu ahaa mid awood dheeraad ah siinaya Somaliland oo sanadkii 1991kii ku dhawaaqday in ay go’day Soomaaliya inteeda kale.

Heshiiska labada dowladeed ee maanta la shaaciyay waxaa qeyb ka ahaa maal-gashigga Afar Dekeddood iyo dhismaha Wadooyin Laami ah, laakiin Dekedaasi lama sheegin kuwa ay kala yihiin.

Wax-yaabaha kale ee heshiiska ku jiray waxaa ka mid ahaa in labada dal midba midka kale uu xushmeeyo madaxbannaanidiisa, Qaranimada iyo Xornimada Siyaasadeed, iyada oo sidoo kale ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa midnimada Soomaaliya.

Socdaalka ra’iisal wasaaraha dhawaan uun xilka la wareegay ee Itoobiya Abiy Ahmed ayaa la oran karaa waxaa uu soo afjarayaa shakigii iyo madmadowgii siyaasadeed ee ka dhashay heshiiskii Berbera ee DP World, waxaana muuqata in labada dowladdood hogaamiyayaashooda sar sare arintaa isla meel dhiggeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]