3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 16, 2018
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Abiy oo gaaray heshiis dhinacyo badan taabanaya

 

Sabti, June, 16, 2018 (HOL) – Booqasho aan la sii shaacin ayuu subaxnimadii hore ee saakay ku yimid magaalada Muqdisho ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, waxaana si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulan albaabada u xirnaayeen oo ay galleen labada mas’uul ayeey ugu danbeyntii warbaahinta la wadaageen qodob dhowr ah oo ay ku heshiiyeen, waxaana qodobada xitaa ku jira in labada dal yeeshaan is-dhaxgal bulsho.

Laakiin heshiiskan ayaa marka la eego waxaa ugu xasaasisanaa in labada dowladood isku afgarteen maalgashiga ilaa Afar dekedood iyo dhismaha Wadooyin Laami ah.

Itoobiya waxaa ay horay qeyb uga aheyd heshiiskii muranka badan dhaliyay ee shirkadda DPWorld kula wareegtay dekedda Berbera, waxaana heshiiskaa si cad ugu gacan –seyrtay dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa amaanay dadaalka ciidamadda nabad illaalinta Afrika ee AMISOM oo ay qeyb ka yihiin ciidamada Itoobiya isaga oo yiri"Anigoo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda,waxaan kugu soo dhaweynaya Soomaaliya,Soomaaliya iyo Itoobiya,waxay wadagana taariikh,dhaqan,booqashadaada maanta waxay xoojinaysa xiriirka naga dhexeeya,majiraan wax kala qeybin kale walaaltinimada labada dal,waa waajib ina saran in aan xaqiijinayo nabadda iyo horumarka labada dal,iyadoo loo marayo kobada dhaqaale iskaashi bulsho,waxaan doonayaa in aan halkani ugu mahadceliyo ciidamada militariga ee dalkaaga sida ay naftooda inoogu hureen in ay Soomaaliya ka caawiyaan ka hortaga cadowga Alshabaab oo dhibaato ku haya Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka" ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Qodobka 12-aad ee heshiiska ayaa sidoo kale xusayay in labada dal ay si buuxdo ugu heshiiyeen in midba midka kale uu xushmeeyo madaxbanaanida, qaranimada iyo xornimada siyaasadeed ee dalalkan. Iyada oo sidoo kale ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa midnimada Soomaaliya.

Marka aad u sii fiirsato qodobada ku jira heshiiska waxaa kuu muqanaya in uu ahaa mid kol horeba laga sii shaqeeyay, laakiin shirka jaraa’id ee labada Hogaamiye lagu tilmaami karo oo kaliya bandhigga heshiiska.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa horay u booqday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wafdiga ra’iisal wasaare Abiy ayaa isla maantaba dib ugu laabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/16/2018 2:02 PM EST
Sabti, June, 16, 2018 (HOL) – Marka laga soo tago saameynta siyaasadeed iyo militari ee dowladda Itoobiya ay ku leedahay Soomaaliya haddana dhinaca kale tan iyo wixii ka danbeeyay heshiiskii DP World ee Dekedda Berbera waxaa jiray madmadow siyaasadeed oo soo kala dhaxgalay labada dowladdood Soomaaliya iyo Itoobiya.

6/16/2018 6:59 AM EST
Sabti, June, 16, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa kulan uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya kaddib labada mas’uul waxaa ay shir jaraa’id wada jir ugu qabteen xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

6/16/2018 4:12 AM EST
Sabti, June, 16, 2018 (HOL)–Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyay si duwan maalmihii la soo dhaafay, iyadoo maalintii labaad ay tahay Ciidul Fidriga.

6/16/2018 3:00 AM EST
Sabti, June, 16, 2018 (HOL) – Waxaa goor dhaw garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaarada siday wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Itoobiya Abiy Axmed,oo markii ugu horeysay soo gaaray Soomaaliya tan iyo intii la doortay.

6/16/2018 2:19 AM EST
Sabti, June, 16, 2018 (HOL)–Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu soo gaaro wafdi ballaaran oo ka socda dalka Itoobiya oo uu horkacayo ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

6/16/2018 2:08 AM EST
Sabti, June, 16, 2018 (HOL)–Guud ahaan dunida Muslimka ayaa maalintii labaad si weyn ugu dabaal-degaya munaasabada Ciidul-Fidriga , oo maalintii shalay siweyn loogu dabaal-degay maalintii Koowaad.