4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 16, 2018
Ammaanka magaalada Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay

 

Sabti, June, 16, 2018 (HOL) – Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyay si duwan maalmihii la soo dhaafay, iyadoo maalintii labaad ay tahay Ciidul Fidriga.

Ciidamo si gaar ah u tababaran ayaa saakay la dhigay waddooyin hor leh oo ka mid ah kuwa magaalada Muqdisho, waxaana meelaha qaar la diiday isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay sii xoojiyeen waddooyinkii xirnaa maalmihii u dambeeyay ee bisha Ramadaan.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijinaya in Wafdi ka socda dowladda Itoobiya ay ku soo wajahan yihiin magaalada Muqdisho.

Sidoo kale koontaroolada laga soo galo magaalada Muqdisho ayaa la adkeeyay, ma jirto gaadiid ka baxaya ama soo galaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]