4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 16, 2018
Ra’iiisal wasaaraha Itoobiya oo soo gaaray magaalada Muqdisho

 

Sabti, June, 16, 2018 (HOL) – Waxaa goor dhaw garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaarada siday wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Itoobiya Abiy Axmed,oo markii ugu horeysay soo gaaray Soomaaliya tan iyo intii la doortay.

Madaxda dowladda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Waxaa salaan sharaf ka qaateen ciidamada Bambayda,iyadoo si diiran loo soo dhaweeyey raiisul wasaaraha Itoobiya oo markii ugu horeysay booqasho rasmi ah ku yimaada Soomaaliya

Waa booqashadii ugu horeysay ee uu ra’iisal wasaare Abiy ku yimado magaalada Muqdisho iyo tan markii xilkan loo doortay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]